Taliska millateriga Al-Shabaab ayaa hadda war kasoo saaray hawl-galka ka socda Godka Jilicow ee magaalada Muqdisho.
Bayaankaas oo faahfaahsan ayaa u qornaa sidan:
"DEG DEG: Mujaahidiinta oo hawlgal ka billaabay Godka Jilicoow”
12 Rabicul Thaani 1447 H (04 Oktobar 2025)
Ciidamada Mujaahidiintu waxay maanta oo Sabti ah saacaddu markii ay ahayd 16:50 galabnimo hawlgal isugu jira istish-haadi iyo inghimaasi la beegsadeen xarunta loo yaqaano "Godka Jilicoow” ee Magaalada Muqdisho.
Xaruntan oo ah goob lagu ciqaabo shacabka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed ayaa xilliga uu weerarku beegsanayay waxaa ka socday shir ay iskugu yimaadeen saraakiisha ugu sareysa sirdoonka ridada, gaar ahaan qaybta Muqdisho, kuwaas oo ka arinsanayay hagardaamooyiin ay u maleegayeen shacabka caasimadda.
Hawlgalka ayaa u billawday sidii loo qorsheeyay, waxayna ciidamada Mujaahidiinta oo Allaah fadligiis si xeeladaysan uga gudbay dhamaan barihii laga ilaalinayay xarunta ay weerarka ka billaabeen gudaha xafiisyada cadawga halkaas oo uu hadda dagaal ka socdo.
Wixii soo kordha dib ayaan ka soo gudbin doonnaa Insha’Allaah.
